Khamiis, 18 Dec 2025 {HMC} Hoggaamiyaha milatariga Suudaan, Cabdifatax Burhaan ayaa maanta gaaray magaalada Qaahira , iyadoo garoonka diyaaradaha uu ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Masar, Cabdifatax Al-Sisi oo hab qaabilaad rasmi ah u sameeyay Al-Burhaan.
Socdaalkan wuxuu u muuqdaa inuu daba socdo wadahadalladii Riyadh ee toddobaadkii hore , Al Burhan kula yeeshay dhaxal-sugaya boqoryootadda , isla xilligaa wadahadalladaa markii ay dhammaadeen Wasiirka arrimaha dibadda Sacuudiga , wuxuu telefoon kula xiriiray dhiggiisa Masar.
Markaa oo ay ka hadleen isku duba-ridka taageerrada milatariga Suudaan oo luminaya dhul istaraatiji ah taa oo ka dhalanaysa dheelatirka awoodeed ee goobaha dagaalka ka baxay , kaddib markii RSF ay adeegsatay hub casri ah oo la geeyay gudaha Suudaan.
Ma cadda hadda iskudayga Sacuudiga iyo Masar waxa ay ka beddeli karaan xaaladda Suudaan iyo goobaha dagaalka, kuwaasoo markii horaba ahaa xulufo ka soo horjeeday RSF.






