Khamiis, 18 Dec 2025 {HMC} Ilaa 20,000 askari oo Sucuudiga taageero ka helaya ayaa isku aruursanaya xadka Yemen, si ay cadaadis ugu saaraan Malayshiyaadka STC in ay ka baxaan dhul ballaaran oo istiraatiiji ah oo ay dhawaan ka qabsadeen gobolka shidaalka hodanka ku ah ee Hadramaut.
STC-ga, oo ay taageerto Imaaraadka Carabta, ayaa horumarkiisa u adeegsanaya dalab ku saabsan in Yemen dib loogu celiyo laba dowladood (waqooyi iyo koonfur). Dhanka kale, waxaa jira halis duqeymo cirka ah oo Sucuudigu fuliyo, maadaama ciidamo ka tirsan maleeshiyada National Shield lagu ururiyay al-Wadeeah iyo al-Abr ee u dhow xadka.
STC-ga oo wada-hadallo ku yeeshay magaalada Cadan (Aden) Jimcihii la soo dhaafay ayaa sheegay in aysan u hoggaansami doonin dalabka Sucuudiga ee ahaa in ay ciidamadooda kala baxaan, kuwaas oo laba toddobaad ka hor galay gobolka Xadramowt, kadibna u gudbay gobolka deriska la ah ee Al-Mahra, kaas oo xuduud la leh Cumaan.
Sidoo kale, STC-gu wuxuu sii xoojiyay gacan-ku-hayntiisa, isaga oo ciidamo u diray gobol saddexaad oo ah Abyan.
Arrintan waxay sare u qaadaysaa khatar ah isku dhac u dhexeeya Sucuudiga iyo Imaaraadka iyada oo loo marayo ciidamadooda ku sugan Yemen.
Sawirka hoose goobaha ay kala joogaan Xuutiga, Dowladda Yemen, STC iyo kooxaha argagixisada ah.






