Jimco , 19 Dec 2025 {HMC} Magaalada Kismaayo xarunta kumeel-gaar ah ee Dowlad-Goboleedka Jubbaland waxaa maalintii labaad galay shirka Mucaaradka oo ay uga arrinsanayaan xaaladda Dalka, Dastuurka iyo Doorashada aan weli waqtigeeda la gaarin.
Madaxda ka hadashay Furitaanka Shirkaan waxa ay ka jeediyeen khudbaddo dhalliil u badan oo ka dhan ah Dowladda Federaalka, waxa ay tilmaameen in ay hal jiho isugu raaci doonnaan gunnaanadka shirkooda sida ay hadalka u dhigeen.
Gelinka dambe ee Maanta ayaa lagu wadaa in lasoo gabagabeeyo shirkaan, waxaana socda kulamo gaargaar ah oo ku saabsan sidii ay u samaysan lahaayeen isbahaysi dhexdooda ah si ay u wajahaan xaaladaha siyaasadeed ee Dalka.
Xubnaha Mucaaradka ayaa lagu wadaa in gunaadka shirkooda in ay soosaaraan Warmurtiyeed ay ku muujinayaan waxyaabaha ay isku fahmeen shirkooda labada cisho soconaya, waxaana sidoo kale wararku sheegayaan in ay kulan kale ku ballami doonnaan.






