Ciidamada Xoogga Dalka oo xoogga saaraysa howlgallo ka dhan ah ‘AS oo kasocdo Jiinka Webiga Shabeelle

0
6

Jimco , 19 Dec 2025 {HMC} Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ku dhaqaaqayso howlgallo ka dhan ah ‘AS’ oo ka billaabaya deegaannada dhaca Dowlad-Goboleedyada Hir-Shabeelle, Koofur Galbeed & Gobolka Banaadir iyada dhul baaxad weyn uu saamayn doonno howlgalkaan.

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa la diyaariyay, waxa ay ciidankaan duullaan ku yihiin deegaannada dhaca Jiinka webiga Shabeelle, si gaar ah ayay ugu howlgalayaan Bar-kulanka Banaadir, Shabeelaha Hoose iyo Shabeelaha Dhexe.

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in ciidamada Xoogga ay u diyaarsan yihiin fulinta howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ si looga saaro deegaannada ay weli ku sugan yihiin.

Saraakiil katirsan Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in ay hayaan xogo la xiriira dhaqdhaqaaqa ‘AS’ ka samaynayaan deegaannada ay ku sugan yihiin Dowlad-Goboleedyada Hir-Shabeelle & Koofur Galbeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here