Jimco , 19 Dec 2025 {HMC} – Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si cad u beenisay eedeymo ay warbaahinta qaar soo bandhigtay, kuwaas oo la xiriira barnaamijyo horumarineed oo ay maalgeliso Dowladda Sweden, oo loo adeegsaday ku-takrifal, dano gaar ah, cadaadis iyo si khaldan u isticmaalka kaalmada horumarinta.
War-saxaafadeedka kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya oo ku taariikhaysan 18-ka Diseembar 2025 ayaa lagu sheegay in eedeymahaasi yihiin kuwo marin-habaabin ah, isla markaana aan ku saleysneyn xaqiiqooyin la xaqiijiyey.
Xukuumadda ayaa caddeeysay in warbixinta la faafiyey ay ku dhisan tahay sheegashooyin aan sal iyo raad toona lahayn.
Sidoo kale, war-saxaafadeedku wuxuu xaqiijiyey in dhammaan taageerada ay bixiso Dowladda Sweden lagu fuliyo hay’ado caalami ah, oo ay ka mid yihiin hay’adaha Qaramada Midoobay, isla markaana aysan jirin wax lacag ah oo si toos ah loo siiyo mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya ama ay dowladdu maamusho.
“Maamulka, mushaharka iyo kormeerka howlaha farsamo ayaa si buuxda u hoos yimaada hay’adaha caalamiga ah ee hirgeliya mashaariicda, iyadoo loo marayo nidaamyo hufan oo waafaqsan xeerarka deeq-bixiyeyaasha iyo heerarka caalamiga ah” ayaa lagu yiri bayaanka.
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale beeniyey sheegashada ah in Soomaaliya ay ku hanjabtay joojinta iskaashi ama arrimo la xiriira masaafurinta si ay u hesho maalgelin, isagoo ku tilmaamay arrintaas mid khaldan oo marin-habaabin ah.
Waxaa lagu xusay in xiriirka Soomaaliya iyo Sweden uu ku dhisan yahay hannaan diblomaasiyadeed iyo mid farsamo oo rasmi ah, isla markaana arrimaha socdaalka, soo-celinta muwaadiniinta iyo kaalmada horumarineed ay yihiin geeddi-socodyo kala duwan oo ku shaqeeya sharciyo iyo hay’ado u gaar ah.
War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale caddeeyey in Dowladda Soomaaliya aysan gelin heshiisyo qarsoodi ah, isla markaana dhammaan iskaashiyada ay la leedahay Dowladda Sweden ay ku saleysan yihiin heshiisyo rasmi ah oo qoraal ah, kuwaas oo waafaqsan habraacyada caalamiga ah ee iskaashiga horumarinta.
Kaalmada horumarineedna waxaa lagu hagaa mudnaanta qaran ee Soomaaliya, iyadoo si hufan loo marsiiyo nidaamyo caalami ah oo lagu sameeyo kormeer iyo xisaab-celin joogto ah.
Ugu dambeyn, war saxaafadeedka ayaa lagu yiri “Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale ku celisay sida ay uga go’an tahay daahfurnaan, isla-xisaabtan iyo anshax sare dhammaan iskaashiyada ay la leedahay beesha caalamka, iyadoo muujisay qaddarin ay u hayso xiriirka soo jireenka ah ee kala dhexeeya Dowladda Sweden, isla markaana ay diyaar u tahay wadahadal ku dhisan xaqiiqo, kalsooni iyo ixtiraam caalami ah.”






