Maraakiib Gargaar bani aadamnimo oo Turkiga laga leeyahay oo gaaray Port Sudan

0
10

Jimco , 19 Dec 2025 {HMC}  Maraakiib wada gargaar bani aadamnimo oo lala leeyahay Dalka Turkiga ayaa gaaray Dekedda Port Sudan sida ay qayb uga noqdaan howlaha lagu caawinayo Dadka u dhashay Suudaan ee saamaynta taban ku reebtay colaadda Sokeeye.

Sida uu xaqiijiyay safiirka Turkiga ee Suudaan Fatih Yildiz, deeqdaan ayaa loogu talagalay sidii Ankara ay u caawin lahayd walaalaha Suudaaneeska ah ee gacmaha baran isla markaana saamaysay colaadda ka jirta dalkooda.

Safiirka ayaa ballanqaaday in Dowladdiisa ay sii wadi doonto kaalmada ay u qorsheysay reer Suudaan ilaa inta xaaladda iska baddeleyso si loo dabaqabto dadka gaajaysan ee haraadka iyo colaaddu usii dheer tahay sida uu hadalka u dhigay.

Turkiga ayaa usoo jeystay garab istaagga Dalkaan dhaca Waqooyiga Qaaradda Afrika ee Suudaan oo ay ku hardamayaan labada Janan ee ciidamada ka kala amar-qaata gadaal u galay Dowlado shisheeye ee dhibaatooyinka xooggan ka gaystay dalkooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here