Jimco , 19 Dec 2025 {HMC} Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee XFS Mudane Axmed Xasan Aadan ayaa magaalada Ankara ee kula yeeshay Wasiirka Beeraha iyo Kaymahakulan miro-dhal ah kula yeeshay Wasiirka Beeraha iyo Kaymaha Mudane İbrahim Yumaklı
Kulanka labada Mas’uul ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal iyo labada Wasaaradood iyo dardargelinta fulinta heshiisyadii la gaaray oo uu ugu danbeeyay Heshiiska Iskaashiga iyo Horumarinta Waxsoosaarka Badda oo ah mid muhiimad gaar ah u leh kobcinta dhaqaalaha Kheyraadka Badda ee Soomaaliya.
Kulanka ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb ahaa Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS. Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) kaasi oo goobta ka sheegay sida maalgashigu muhiim ugu yahay xoojinta xiriirka labada wadan.
Sidoo kale Wasiir Axmed Xasan Aadan ayaa dowlada iyo shacabka aan walaalaha nahay ee Turkiga uga mahadceliyey taageerada joogtada ah iyo wax-wadaqabsiga iyo wadajirka Walaalnimada ku dhisan ee labada dal, Dhankiisa Wasiirka Beeraha iyo Kaymaha Jamhuuriyadda Turkiga Mudane İbrahim Yumaklı ayaa sheegay in Dowladda Turkiga ay ka go’antahay taageeradda iyo iskaashiga Soomaaliya iyo fulinta dhammaan heshiisyadii lawada saxiixday.






