Diyaarad uu Ruushka soo saara oo ah nooca aan duuliyaha lahayn ayaa gudaha u gashay Dalka Turkiga.

0
14

Jimc 19 Dec 2025 {HMC} Diyaarad uu Ruushka soo saara oo ah nooca aan duuliyaha lahayn ee Orlan-10 ayaa markii u horreysay maanta gudaha usoo gashay Turkiga , waxayna ka dhacday aag miyiga ah ee İzmit, gobolka Kocaeli oo keliya 100 km u jira magaalada Istanbul, halka goobta diyaaradan laga helay ay tahay meel ku dhow waddada istaraatijiga ah ee isku xirta Istanbul iyo Ankara.

Wasaaradda arrimaha gudaha Turkiga oo warsaxaafadeed soo saartay, ayaa sheegtay inuu socdo baaritaan la xiriira diyaradan gudaha usoo gashay dhulka Turkiga oo wasaaraddu xaqiijisay inay tahay nooc loo adeegsado hawlgallada militari iyo sirdoon, gaar ahaan dagaallada casriga ah.

Waxaa kaloo warsaxaafadeedka lagu xaqiijiyay diyaaradan in baaritaan hordhac ah lagu oggaaday inay tahay Orlan-10 ee Ruushka soo saaro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here