Jimc 19 Dec 2025 {HMC} Labaatan iyo shantii sanno ee u dambeysay siyaasadda iyo siyaasiyiinta Soomaaliya , waxay noqdeen wax lagu cabiri karo hal dhacdo, wajiyada siyaasiyiinta iyo waxa ka dhex socday siyaasadda waxay ahaayeen wax isku mid ah , taasina waxay dhalisay waxa ay hadda tahay inay oggaadaan siyaasiyiinta , kuwa xilka haya illaa mucaaradka ; waa inay lumiyeen dareenka bulshada!
Siyaasiga Soomaaliyeed ; kuwa xilalka haya illaa kuwa bannaan jooga ah oo keliya u dagaallamaya inay kuraasta ku fadhistaan , waxay daaliyeen bulshada , daalkaa wuxuu ka dhalanaya inaysan jirin hal-abuur siyaasadeed oo ay dhalinayaan siyaasiyiintu, ma jirto cid si cad u qeexi karta barnaamijkiisa siyaasadeed oo bulshada usoo bandhigi kara hoggaamin isbeddel leh.
Isku imaatinka siyaasiyiinta ee iyagoo kala aragti ah , waa wax ka dhalanaya inaysan jirin aragtiyo siyaasadeed iyo barnaamijyo isbeddel leh oo lagu soo jiidan karo bulshada, si la mid ah siyaasiyiinta xilalka haya waxa ay ka arkayaan bulshada inaysan wax dan ah ka lahayn waxa mucaaradku wado, ma aha xaqiiqada sida kuwa badan ay u arkaan oo ah inay filanayaan dadweynaha inay iyagu taageersanyihiin, sidaana uga jeesteen mucaaradka , taa beddelkeeda dadweynaha ma arkaan wax kala duwanaasho ah iyo wax farqi ah oo u dhaxeeya siyaasiga xilka haya iyo midka xilka doonaya! Waxaa la arkay tobankii sanno ee u dambeysay waa in hoggaamiyeyaasha ay iska dhaxlayeen ficillada aan wax u tareyn qaranka iyo bulshada oo ay ugu horreyso iskudayga in doorashada muddeeda la dhaafiyo, niyad jabka bulshadana loo qaatay inay Soomaaliya tahay meel ay wax walba ku suragalayaan, xataa biyaha iyo korontada haddii la jaro ay dadweynuhu noqonayaan kuwa aan ka dhiidhin, sababtoo ah canshuurta maalin kasta laga qaato siyaasiga ayaa ilmihiisa gurya uga gada dibadda , mana ka falceliyaan bulshadu!
Dawladda Soomaaliya gaar ahaan wasaaradda kalluumaysiga, waxay toddobaadkan heshiis kalluumaysi la gashay ururro iskutagay oo ay leeyihiin ciidanka Turkiga , waxaa isku taga ururradan lagu magacaabaa OYAK, oo u shaqeysa sida sanduuq dhaqaale loogu aruuriyo saraakiisha iyo askarta milatariga, waxayna hadda OYAK helayaan kalluunta Soomaaliya oo ah mid ka mid ah khayraadka ay tahay inay wax ka beddelaan xaaladda dhaqaale ee Soomaaliya .
Turkiga wuxuu muujiyay dhammaan mashaariicda uu gacanta ku hayo ee Soomaaliya inay yihiin kuwa aan si toos ah loola xisaabtami karin, si taa la mid ah hadda kalluunka Soomaaliya ma wuxuu ku dhacayaa gacan aan lala xisaatami karin, oo wuxuu isku rogayaa khayraad ay ka faa’iideystaan askarta dal kale? Waligeed dawladihii is beddelay kuma ixtiraamin bulshada inay si daahfuran ugu soo bandhigaan heshiisyada lala galayo dhinacyo shisheeye.
Maanta Madaxweyne Xasan ayaa tagay Addis Ababa , waxaana soo dhaweeyay Abiy Axmed , xilli waxa u dambeeyay ee bogga xafiiska ra’iisul wasaaraha Itoobiya uu baahiyay ay ahayd muuqaal lagu soo daray khariirad ay Itoobiya dhulkeeda ku darsatay qeybo ka mid ah Soomaaliya , ma jirin cid ka falcelisay dhacdooyinkan, waxay aamusnaanto la macno tahay in la oggolaaday wax kasta oo ay tahayba! Dabcan haddii aan si shaqsi ah khariirad noocaa ah uga baahin lahaa boggan dadka ku sugan dhulka ay Itoobiya sawirratay waxay ku dhawaan lahaayeen inay boggan xiraan, laakin kama falcelinayaan ficilka Itoobiya , taa oo ah oggolaasho dadban, arrintan xataa siyaasiyiinta iyo aqoonyahanka Soomaaliyeed kuma dhaco inuu si dhiirran uga hadlo, markaa ma waxay Soomaaliya ka doorbidayaan Itoobiya?
Dhanka kale , hoggaamiyeyaasha xil doonka ah waxay xiriiro la leeyihiin dalal shisheeye oo ah halka laga sugayo inay maalgaliyaan doorashada ay ka qeybgalayaan, halkii ay ahayd si maxalli ah in khilaafaadka jira lagu xalliyo in ka badan dhexdooda madaxweynaha xilka haya iyo xubnaha mucaaradka waxay ku kalsoonyihiin dalalka shisheeye oo ay ku jiraan , kuwii ay tahay in dalka laga ilaaliyo ee dalalka dariska! Mid kasta oo ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliya wuxuu leeyahay sooyaal inuu daacad u noqday in ka badan Soomaaliya , dal shisheeye, tusaale ahaan ; dawladda Federaalka iyo dawlad gobolleedyada mar kasta xalka khilaafkooda waxay la aadaan dhinac shisheeye, haddii aad leedahay dawlad gobolleedyada ayay tani keli ku tahay , waxaa la helayaa dawladda federaalka oo ashtiko ka dhan ah dawlad-gobolleedyada u geynaysa dal shisheeye!
Gunaanadku wuxuu yahay haddii bulsho iyo siyaasiyiinba ay ka doorbideen danaha shaqsi iyo midka qabiilka oo la iska indha-tiray danaha guud oo sharafta iyo qaranimada leh , ha raadin dawlad iyo dal xooggan , sababtoo ah shaqada aan qabaneyno laguma gaaro dawlad xooggan ee waxaa lagu gaara burbur iyo bahdil nololeed! Maanta haddii aan la helin cid danaha guud u doodda awood u leh inay farta ku fiiqdo musuqa xarga goostay, ku takri falka awoodeed ee dawladda federaalka iyo dawlad-gobolleedyada ka dhacaya , markaa mustaqbkeenna wuu cadyahay waa mid mugdi iyo fashil ah.
Ummad ururradeeda bulshada ee la doonayay inay danaha bulshada metalaan, aqoonyahankooda illaa dhallinyarada ay dhammaanyihiin kuwa gacanta u hoorsanaya siyaasiga waddada qaldan dalka u wada , ha oggaadaan inay dalka u diyaarinayaan meel ay wax kasta ka dhici karaan oo xataa gumeysi iyo xasuuq ku jiro.
W/Q Iman Jamac






