Sabti 20 Dec 2025 {HMC} Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qaybgalay Munaasabadda xuska 82 sano guurada kasoo wareegtay aasaaska ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo haatan ka socota Akadeemiyada Janaraal Kaahiye ee Magaalada Muqdisho.
Munaasabadda waxaa Madaxweyne Xasan Sheekh ku wehliya Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi (Diyaano), Taliyaha Ciidanka Nabadsugidda & Sirdoonka Qaranka, Mahad Maxamed Salaad, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Sarreeyo Gaas Odowaa Yuusuf Raage & Saraakiil kale.
Inta ay munaasabaddaan hadda tooska ah ay socoto waxa ay Ciidamada Booliiska samayn doonnaan dhoolatus ka tarjumaya awooddooda shaqo, qalabka ay haystaan iyo soo bandhigista Gaadiidkooda casriga ah ee qaarkood dhowaan lagu wareejiyay.
Waxa ay Ciidamo dhagaysanayaan khudbadaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi iyo mas’uuliyiinta kale ee goobta ku sugan.
Booliiska Soomaaliya waxaa la aasaasay 20kii December sanadkii 1943dii, waxa uu waqti ahaan ka horreeyay Xorriyadda Soomaaliya, tan iyo xiligaas waxa uu soo maray heerar kala duwan oo isugu jira Barwaaqo & Duruufo adag.



