Sabti 20 Dec 2025 {HMC} Madaxweynaha Faransiiska , Emmanuel Macron ayaa xaqiijiyay inuu toddobaadkii hore la soo xiriiray madaxweyne Afrikaan ah, oo wax dhab ah u qaatay markii uu internetka ku arkay muuqaal lagu sameeyay AI , oo sheegaya in Faransiiska uu afgambi ka dhacay oo xukunkii laga tuuray Macron, isla markaana sarkaal milatari uu talada Faransiiska la waraagay.
Macron, oo ka hadlaya farriinta uu ka helay madaxweynaha Afrikanka ah oo magaciisa uusan shaacin , wuxuu yiri ; “Saaxiib madaxweyne Afrikaan ah ayaa ii soo diray farriin leh: ‘Madaxweyne, maxaa idinka socda? Aad ayaan uga walaacsanahay.”
Waxa kale ee la yaabka uu ku sheegay Marcon ayaa ay inuu sheegay xafiiskiisa inay la xiriireen shirkadda Facebook oo baraheeda lagu baahiyay muuqaalkan lagu sameeyay AI-da , si looga saaro, balse shirkaddu ugu jawaabtay ; “ Muuqaalka kama saari karno maaddama uusan jebin shuruucdeena.”







