Sabti 20 Dec 2025 {HMC} Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa safar shaqo ku gaaray Degmada Waajid ee Gobolka Bakool, halkaasi oo si diirran ay ugu soo dhaweeyeen Maamulka Degmada Waajid, Saraakiisha Hay’addaha Amniga iyo Qeybaha kala duwan Bulshada.
Ujeeddada safarka Madaxweynaha ayaa ah kormeeridda xaaladaha guud ee Degmada, la socodka baahiyaha Bini’aadanimo, adkaynta Nabadda, Amniga, iyo dardargelinta Mashaariicda Horumarineed ee ka socda Degmada Waajid.
Inta uu ku sugan yahay Waajid, Madaxweynaha ayaa kulamo la qaadan doona Maamulka Degmada, Saraakiisha Amniga, Odayaasha Dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, si loo dardar-geliyo wada shaqeynta iyo Horumarka Deegaanka.
Wafdiga Madaxweynaha waxaa qeyb ka ahaa Wasiiro, Xildhibaano iyo Agaasimaha Guud Madaxtooyada Mudane Abdifatah Mahad.






