Axad 21/Dec 2025 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa saacado kahor inta uusan soo gabagaboobin shirkii Kismaayo uga socday xubnaha Mucaaradka waxa uu usoo jeediyay in ay Dowladda la hortagaan aragti ay ku mideysan yihiin si loogala hadlo doodda ay qabaan.
Xiligaas Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu hadalkiisa raaciyay in Dowladda qudheeda ay miiska soo dhigi doonto qodobada ay rabto in ay kala hadashay Xubnaha Mucaaradka waa haddii ay ka go’an tahay in ay wadahadlaan.
Bayaankii kasoo baxay Kismaayo ayaa lagu soo daray qodob kamid ah oo muujinayay in ay aqbaleen wadahadalka iyada oo Xubnaha Mucaaradku ay muddo raaciyeen in uu ku qabsoomo wadahadalkaas siyaasadeed.
Dowladda Federaalka & Mucaaradka ku shiray Kismaayo ayaa labo daan ka kala jooga hannaanka ay u dhacayso Doorashada Dalka, Dowladdu waxa ay ku howlan tahay Doorashada dadweyne ee 25ka Bishaan dhacayso, halka mucaaradka ay raadinayaan mid dadban.
Dowladdu waxa ay sheegtay in dhaqaale badan uu ku baxay abaabulka iyo diyaarinta Doorashada Dadweyne ee Goleyaasha Deegaanka, sidaas awgeed aanay suuragal noqon Karin in dib looga laabto sida ay hadalka u dhigtay.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay carrabka ku dhuftay in Soomaaliya ay ka gudubtay Doorasho qof u xiran oo isaga keliya go’aan ka gaaraya, waxa uu xoojiyay in la garab istaago doorashada dadweyne si shacabku u doorto Ururka uu dantiisa ka dhex arko.



