{DAAWO SAWIRADA} Daladda SOMA oo Kulan ugu qabatay Muqdisho Agaasimayaasha Warbaahinta Soomaaliya..

0
31

Axad 21 Dec 2025 {HMC} Kulanka maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho waxaa iskugu yimid guud ahaan Agaasimayaasha ku mideysan Daladda Warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA.

Xubnaha SOMA ee ka kala yimid Gobolada Soomaaliya marka Laga reebo Soomaaliland ayaa kulankooda uga hadli doono xaaladaha ay wajahayaan warbaahinta ka howlgasho Soomaaliya.

Xoghayaha Guud ee Daladda Warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA Maxamed Cabdi wahaab Cabdulaahi oo shirka furay ayaa sheegay in shirkan uu socondoono labada maalin loogana hadli doono siidii fursad loo siin lahaa gabdhaha saxafiyiinta ah ee ka howlgalo xarumaha warbaahinta ku mideysan SOMA.

Hilaal shiikh Shuceyn Gudoomiyaha Daladda Warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA ayaa faah faahin ka bixiyay sida ay u wada shaqeeyaan Warbaahinanada ku mideysan Daladda SOMA

Sidoo kale gudoomiye Hilaal ayaa ayaa sharaxaad ka bixiyay Barnaamijka Wadaag oo ah barnaamijka  ay siwada jir ah u soo saaran Idaacadaha SOMA kaas oo sitoos ah looga baahiyo dhamaan Goboladda dalka.

Kulanka oo labo maalin socondoona ayaa gabagabada waxaa laga soo saaridoonaa qodobo  lagu hormarinaayo Barnaamijka Wadaaga, xoojinta wadashaqeynta Warbaahinta ku mideysan Daladda iyo sidii fursad loo sii lahaa dumarka ka howlgalo warbaahinta Soma.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here