Axad 21 Dec 2025 {HMC} Kismaayo iyo bayaanka ay soo saareen mucaaradku wuxuu si cad u muujiyay in aysan lahayn aragti mideysa, hoggaan la isku raacsan yahay, istiraatiijiyad isku xiran, iyo jiho siyaasadeed oo cad.
Mucaaradku ma aysan la imaan qorshe doorasho oo lagu barbar dhigo kan ay dowladda soo jeedisay, taasoo muujineysa ma dhaleysnimo siyaasadeed oo weyn.
1. Hoggaan la’aan iyo qorshe doorasho oo cad.
Mucaaradku kuma guuleysan inay ku heshiiyaan hoggaan keliya, sidoo kalena kuma aysan guuleysan inay soo bandhigaan hannaan doorasho oo beddel u ah kan dowladda.
Tani waxay si cad u muujineysaa in aysan heysan xal ka baxsan hal-ku-dhegga ah “waan diidnay!”.
Su’aasha taagan waa: sidee loo aamini karaa mucaarad kala daadsan inay qeyb ka noqdaan is-afgarad qaran iyo xalinta arrimo la xiriira dhismaha dowladnimada?
2. Diidmo kaliya, xal ma aha.
Warmurtiyeedkooda wuxuu inta badan ku ekaaday diidmo iyo qaylo mucaaradnimo, balse kama muuqan xalal ama talooyin wax ku ool ah.
Arrintan waxay sii xoojisay aragtida ah in mucaaradku yahay mid falcelin ku kooban, halkii uu ka ahaan lahaa mid leh qorshe iyo aragti.
3.Gebogebadii, fashilka mucaaradka ee ku aaddan midnimo hoggaamineed la’aan, siyaasad xumo, iyo aragti la’aan wuxuu si toos ah u abuuray fursad siyaasadeed oo ay dowladda ka faa’iideysan karto, si ay shacabka ugu sii dhaweyso geeddi-socodka dimuqraadiyeynta, loona xoojiyo kalsoonida dowladnimada.
W/Q Xildhibaan Maxamed C,qaadir



