Axad 21 Dec 2025 {HMC} Maamulka Puntland oo shaqada ka joojisey Hanti-dhowrihii Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Abwaan Ciiro kadib markii uu gabay ku ammaanay Madaxweyne Xasan Shiikh.
Puntland ayaa shaqada ka joojisey hanti-dhowrihii wasaaradda xanaanada xoolaha, Raage Axmed Xuseen (Abwaan Ciiro) oo shalay ka qaybglay munaasabadda Ciidanka Booliska Soomaaliya oo ka dhadcay Muqdisho.
Warqad ka soo baxday wasiirka xanaanada xoolaha Puntland Cumar Cabdisamed Dhuux oo ku taariikhaysan 21 Diseembar 2025 ayaa lagu sheegay in mushaarka laga joojiyay Abwaan Ciiro, iyadoo lagu eedeeyay in uu galay arrimo siyaasadeed oo ku xadgudbay xeerka shaqaalaha iyo go’aankii Puntland xiriirka ugu xirtay hay’adahha dowladda federaalka.
Masuulkan ayaa loo heystaa inuu ka qeyb galay, gabayna ka jeediyey munaasabad lagu xusayey sanadguurada Booliska oo Muqdisho lagu qabtay taasoo ay ka qeyb galeen madaxweyne Xassan Shiikh iyo madax kale.
Muddooyinkii u dambeeyay waxaa soo badanayay shaqaale iyo saraakiil ciidan oo ka tirsan Puntland oo tagaya Muqdisho, kuwaas oo qaarkood ku biiray hay’adaha dowladda federaalka Soomaaliya.




