spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS CXD oo howlgal qorsheysan oo lagudilay xubno tirsan AS kafuliyey...

CXD oo howlgal qorsheysan oo lagudilay xubno tirsan AS kafuliyey deegaanka Jabad Godane

0
21

Isniin 22 Dec 2025 {HMC} Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) ayaa 21-kii Diseembar 2025 fuliyay howlgal amni oo lagu beegsaday dagaalamayaal ka tirsan AS kuna sugnaa deegaanka Jabad Godane, oo hoos yimaada degmada Xawaadley ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

War saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda Gaashandhiga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Howlgalka lagu dilay ku dhowaad 15 xubnood oo ka tirsanaa AS, kuwaas oo ay ku jireen horjoogayaal sare oo si gaar ah caan ugu ahaa abaabulka falalka argagixiso iyo dhibaateynta shacabka rayidka ah.

Warka Wasaaradda ayaa daaha looga qaaday Dadka la xaqiijiyay in lagu dilay howlgalka waxaana ka mid ah: Jacfar Aadan oo ahaa Horjoogihii AS ee mas’uulka ka ahaa deegaanka Jabad Godane, Cabdirisaaq Cali oo ahaa Dhaqtarkii Dagaalamayaasha AS ee degaankaasi iyo Khawaarijta, ruux kale oo magaciisa lagu soo gaabiyay Da’uud oo ay wasaaraddu ku sheegtay inuu ahaa Taliye ciidan oo hoggaaminayay unug ka howlgala aaggaasi.

Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in howlgalkaasi uu si weyn u wiiqay awooddii AS  ee deegaanka, gaar ahaan dhinacyada hoggaanka, isku xirka, iyo taageerada sahayda.

War saxaafadeedka Wasaaradda ayaa lagu xusay in tani ay qeyb ka tahay dadaallada joogtada ah ee Ciidanka Xoogga Dalka ay ku burburinayaan shabakadaha AS, si loo xaqiijiyo nabad waarta, xasillooni, iyo amni guud ahaan dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here