Isniin 22 Dec 2025 {HMC} Pakistan ayaa si tartiib ah u kasbanaysa saameyn sii ballaaran oo ka dhex muuqata dunidda Carabta iyo guud ahaan Bariga Dhexe, arrin ka dhalatay isbeddelada awoodda ee ka socda gobolka.
Hoos u dhaca ku yimid kaalintii Iiraan, iyo Turkiga oo u muuqda mid si isa soo taraysa ugu mashquulsan ajandayaal u gaar ah, ayaa abuuray firaaq istiraatiiji ah oo Islamabad ay si xeeladaysan uga faa’iidaysanayso.
Halkii Ankara ay door muuqda ka qaadan lahayd dhismaha iskaashi ballaaran oo lagu wajahayo qalalaasaha Bariga Dhexe, xilli ay sii kordhayaan hanjabaadaha iyo ficillada militari ee Israa’iil— Pakistan ayaa u muuqata mid si miyir leh u soo bandhigaysa nafteeda sida quwad dheellitir karta xaaladda amni ee gobolka.
Doorkan cusub waxaa hormuud u ah Taliyaha Ciidamada Pakistan, Jenaraal Aasim Muniir, oo noqday shaqsi si weyn looga hadlo fagaarayaasha istiraatiijiga ah.
Jen. Aasim wuxuu u arkaa Pakistan inay tahay quwad leh isku-dhaf awood nukliyeer ah, ciidan si xirfad sare ah u tababaran, iyo khibrad amni oo ay ku wajahdo caqabadaha gobolka, gaar ahaan kuwa la xiriira xasillooni darrada iyo khilaafaadka daba dheeraaday.
Muddo laba toddobaad gudahood ah, Jen. Aasim Muniir wuxuu booqasho rasmi ah ku tegay Liibiya, halkaas oo Pakistan ay kula saxiixatay heshiis qiimihiisu gaarayo afar bilyan oo doollar.
Heshiiskaasi wuxuu diiradda saaraya qalabaynta iyo tababbarka ciidamada Liibiya, taasoo muujinaysa sida Islamabad ay u ballaarinayso saameynteeda amni ee Waqooyiga Afrika.
Isla toddobaadkan, Taliyaha Ciidamada Pakistan wuxuu booqday Boqortooyada Sacuudiga, halkaas oo lagu guddoonsiiyay billadda ugu sarreysa ee ay bixiso boqortooyadu,tallaabo astaan u ah xiriirka istiraatiijiga ah ee u dhexeeya Riyadh iyo Islamabad, iyo kalsoonida sii kordhaysa ee dalalka Carabta ay ku qabaan doorka Pakistan ee Bariga Dhexe.




