Isniin 22 Dec 2025 {HMC} Ciidanka kooxda SDF ee Kurdiyiinta ay hoggaamiyaan ayaa weerarray isgayso ay maamullan ciidanka dawladda Suuriya oo ku yaalla magaalada Xalab, halkaa oo ay hadda ka socdaan iska horimaad toos ah, sida ay werisey Al Jazeera oo xiganaysa wakaaladda wararka Suuriya ee SANA.
Weerar ay qaaday SDF ayaa ku soo aaday xilli Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga , Hakan Fidan uu ku sugan yahay caasimadda Suuriya ee Dimishiq, isagoo kala hadlaya Axmed Sharac, sidii SDF loogu dhex dari lahaa ciidanka cusub ee Suuriya, ka hor waqtiga kama dambaysta ah ee soo socda.
Bishii Maarso, Madaxweynaha Suuriya, Axmed Sharac ayaa heshiis la saxiixday SDF, oo maamusha dhul ballaaran oo ku yaalla waqooyi-bari Suuriya, kaas oo dhigaya in kooxda lagu daro hay’adaha dawladda.



