Hoggaamiyayaasha qabiilka Carabta ee Suuriya oo isku raacay in ay ka hortagaan ciidanka Kurdida.

0
36

Isniin 22 Dec 2025 {HMC} Hoggaamiyeyaasha qabiilooyinka Carabta Suuriya ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay ka hortagaan ciidanka Kurdida ee SDF oo duullaan ku qaaday saldhigyada ciidanka dawladda Suuriya ee magaalada Xalab

Ciidamada kurdiga oo lagu eedeynaya in ay weerarro ku hayaan rayidka magaalada Xalab, isla markaana ballanqaadaya daacadnimo ay u hayaan dawladda Suuriya.

“Waxaan ku dhawaaqeynaa diyaar garowgeenna iyo rabitaankeenna inaan garab istaagno dowladdeenna si loo joojiyo gardarrada loona jebiyo maleeshiyaadka argagixisada ah ee SDF.

Waxaan diyaar u nahay inaan nafteena iyo nafsaddeenna u hurno… ilaa ay dawladda Suuriya si buuxda ula wareegto gacan-ku-haynta dhammaan dhulka Suuriya.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here