FESOJ oo tababar ku saabsan Xorriyadda Hadalka iyo Badqabka Warbaahinta ku qabatay Dhuusamareeb.

0
19

Isniin 22 Dec 2025 {HMC} Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee FESOJ ayaa maanta magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug, waxaa uu si rasmi ah uga furmay tababar ku saabsan Xorriyadda Hadalka iyo Badqabka Warbaahinta oo socon doona muddo labo maalin ah, kaas oo ay ka qaybgalayaan suxufiyiin gaaraya ilaa 25 Wariye.

Tababarkan waxaa furay Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Galmudug Mudane Cali Maxamuud Faarax (Cali Seeko), isaga oo adkeeyay muhiimadda ay xorriyadda hadalku u leedahay horumarinta dimuqraadiyadda, isla markaana waxa uu xusay doorka warbaahintu ku leedahay wacyigelinta bulshada.

Casharada la baran doono labada maalin ayaa diiradda saaraya xorriyadda hadalka, la-dagaallanka wararka been abuurka ah, iyo kor u qaadidda saxaafad waarta oo mas’uul ah.

Ka qeyb galeyaasha ayaa inta tababarka uu socdo si weyn u falanqeyn doona si loo xoojin karo badqabka saxafiyiinta loona abuuri karo jawi warbaahineed oo ammaan ah, xor ah, kana shaqeeya danaha guud ee bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here