spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Turkiga oo heshay burburka diyaarad gaar loo leeyahay oo siday shan qof,...

Turkiga oo heshay burburka diyaarad gaar loo leeyahay oo siday shan qof, oo uu ku jiro Taliyaha Ciidanka Libya.

0
26

Talaado 23, Dec 2025 {HMC} Dowladda Turkiga ayaa heshay burburka diyaarad gaar loo leeyahay oo siday shan qof, oo uu ku jiro Taliyaha Guud ee Ciidamada Libya, General Muhammed Ali Ahmed Al-Haddad.

Diyaaradda ayaa la waayay intii ay ku jirtay safar ay kaga soo duushay Ankara kuna sii jeedday Tripoli, ka hor inta aan laga helin agagaarka Ankara burburkeeda.

Kooxaha gurmadka iyo xaaladaha degdegga ah ayaa hadda ku sugan goobta shilka, waxaana socda qiimeyn lagu sameynayo xaaladda iyo baadi-goob suurtagal ah.

Ilaa hadda faahfaahin degdeg ah lagama bixin xaaladda dadka saarnaa ama sababta shilka.
Mas’uuliyiinta Turkiga ayaa sheegay in baaritaan rasmi ah uu socdo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here