Arbaco 24, Dec 2025 {HMC} Saddex qof – oo ay ku jiraan laba sarkaal oo booliis ah – ayaa ku dhintay qarax ka dhacay magaalada Moscow, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Ruushka.
Labo askari oo ka tirsan booliiska waddooyinka ayaa arkay qof laga shakiyay meel u dhow gaari booliis oo marayay waddada Yeletskaya Street ee magaalada, markii ay u tageen tuhmanaha si ay u xiraan, waxaa la qarxiyay walxaha qarxa, guddiga baaritaanka Ruushka ayaa sidaas sheegay.
Labada askari ayaa u dhintay dhaawacii soo gaaray, waxaana la socday shaqsi kale oo goobta taagnaa.
Weerarkan ayaa ku soo beegmaya laba maalmood ka dib markii Jeneraal sare oo Ruush ah lagu dilay qarax baabuur oo Isniintii ka dhacay caasimadda.
Lt Gen Fanil Sarvarov ayaa dhintay ka dib markii walxaha qarxa – kaas oo lagu xiray baabuurkiisa- la qarxiyay.



