spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Madaxweynaha DFS oo codeeyay doorasho qof iyo cod ah

Madaxweynaha DFS oo codeeyay doorasho qof iyo cod ah

0
20

Khamiiis 25, Dec 2025 {HMC}  Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud ayaa maanta coddeeyay doorashada qof iyo codka ah ee maanta ka socota degmooyinka gobolka Banaadir.

Madaxweynaha ayaa gaarey xarruunta Tiyaatarka Qaranka, isagoo kumanaan ruux kala qeyb galay coddeynta doorashada qof iyo codka ah.

Xasan Shiikh oo si kooban warbaahinta ula hadlay sheegay in Xubnaha Mucaaradka ay ku soo biiri doonaan doorashada goleyaasha deegaanka.

“Dhammaan mucaarad iyo muxaafad tani waa mustaqbalka Soomaaliya, waan hubaa mucaaradka in ay ku soo biiri doonaan doorashadaan.” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Shiikh.

Isagoo sii hadlaya ayuu yiri “Waxaan dooneyna Soomaaliya oo deggan, amni ah oo siyaasadeeda jiho leedahay, mustaqbalkana yahay mid ifaya”

Nus milyan Soomaali ah ayaa ka qeyb galaya doorashada Doorashada goleyaasha deegaanka ee ka socota degmooyinka gobolka Banaadir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here