jimco 26 Dec , 2025 {HMC} Dunida ayaa hadal heysa doorashadii qof iyo codka aheyd ee maanta ka qabsoontay magaalada Muqdisho, taasi oo lagu dooranayay Xubnaha goleyaasha deegaanka ee degmooyinka gobolka Banaadir.
Warbaahinta caalamiga ah ee ku kala yaalla qaaradaha caalamka, Afrika iyo dalalka Carabta ayaa baahiyay warbixinno u badan ammaan iyo boggaadin loo jeedinayo Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.
Telefishinka Aljaseera ayaa doorashada ku tilmaamay guul taariikhi ah, maadaama ku dhowaad lixdan sano laga joogo doorashadii ugu dambeysay oo qof iyo cod ah kana qabsoonto dalka.
Sidoo kale, Warbaahinta DW ee laga leeyahay dalka Jarmalka ayaa doorashada ku tilmaamay mid muhiim ah oo ka turjumeysa in Mustaqbalka Soomaaliya ifayo, maadama ay shaqeynayso dimuqoraadiyadda.
Sidoo kale, TRT World iyo TRT Afrika ayaa doorashada sheegay in ay tahay muujinaysa kalsooni sii kordheysa oo ay helayaan hay’adaha dowladda.
Dhankooda, Wargeyska Nation Africa ayaa doorashada ku tilmaamay mid soo afjaraya In ka badan 50 sano oo oo dalka ku jiray Nidaam doorasho dadban oo aysan shacabka awood u laheyn coddeyn.
Sidoo kale, Business World ayaa caddeysay in doorashada Muqdisho tahay xaqa codbixinta guud ee muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Warbaahinta Bloomberg waxay sidoo kale xustay in tillaabadani tahay mid xiiso galineysa maalgashadayaasha iyo daneeyayaasha caalamiga ah ee Soomaaliya.
Warbixinnada ay baahiyeen warbaahinta Caalamiga ah ayaa muujinaya in doorashada goleyaasha deegaanka tahay guul siyaasadeed






