jimco 26 Dec , 2025 {HMC} Sarkaal ka tirsan ergada waddan “weyn” ku matasha Qaramada Midoobay ayaa ii sheegay in go’aanka Natenyahuu Somaliland ku aqoonsaday uu jawaab deg deg ah u yahay DOORASHADII shalay Muqdisho ka dhacday!
Wuxuu ii sheegay in waqti fog ay 1sraa’ii1 ka-baaraan-degeysay aqoonsiga Somaliland.
Laakiin qorshaha kuma jirin sidan deg-degta ah in ay arrintu u dhacdo.
Wuxuu xusay in doorashadii sida nabdoon uga dhacday Muqdisho ay qarracan ku abuurtay labada dhinac, isla markaana ay u arkeen mid ragaadin karta hayaanka aqoonsiga Somaliland.
Sarkaankan -oo markii aan weydiiyay in aan hadalkiisa warbaahinta ku baahin karo ii oggolaaday laakiin door-biday in aanan magaciisa xusin- ayaa si cad iigu sheegay in qodobbada ugu waaweyn ee ay Somaliland cuskato marka ay aqoonsiga raadineyso ay ugu sii muhiimsan yihiin:
1- In Soomaaliya/Muqdisho aanu amaan ka jirin, argagixiso ay ukumaha dhigatay, qaraxyada iyo dilkuna ay joogto ka yihiin, halistaasna laga yaabo in dunida oo dhan ay saameyso.
2- In Somaliland ay tahay dowlad dimuquraaddi ah oo dadku ay codkooda ku doortaan hoggaankooda, taasoo aan “100-ka sano ee soo socda suurto-gal ka noqon karin koofurta/Muqdisho, damiirkuna aanu aqbali karin in labadaas qolo ee dimuquraadiyadda iyo amaanka ku kala tagay, ay sii wada jiraan” Hadalkaas waxaa iska leh sarkaalka aan la sheekeystay.
Wuxuu hadalkiisa kusoo gebo-gebeeyay in Talaabiib iyo Hargeysaba indhaha ay ku hayeen doorashadii shalay Muqdisho ka dhacday, haddii ay fashilmi lahayd ama alShabaab ay weerarro lagu carqaladeynayo fulin lahaayeenna, ay hubanti ahayd in Natenyahuu aanu go’aankan deg-degtaas ku qaateen.
W/Q Jacfar Kukay






