spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS War Deg Deg ah: Dawladihii Ugu horeeyay ee diiday aqoosiga Somaliland ay...

War Deg Deg ah: Dawladihii Ugu horeeyay ee diiday aqoosiga Somaliland ay ka heshay Israel.

0
32

jimco 26 Dec , 2025 {HMC} Dr. Badr Cabdulcaati, Wasiirka Arrimaha Dibadda, Socdaalka iyo Arrimaha Muwaadiniinta Masar ee Dibadda, ayaa Jimcihii 26-ka Diseembar helay wicitaanno taleefoon oo ka kala yimid Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hakan Fidan Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga iyo Mudane Cabdulqaadir Xuseen Cumar Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Jabuuti.

Wicitaannadan ayaa diiradda lagu saaray xaaladaha khatarta ah ee dhawaan ka soo kordhay gobolka Geeska Afrika.

Wadahadalladu waxay si gaar ah uga hadleen arrimaha la xiriira aqoonsiga ay Israa’iil siisay gobolka Somaliland, iyadoo wasiirradu si buuxda u muujiyeen diidmo iyo cambaareyn cad oo ku aaddan aqoonsigaas.

Waxay adkeeyeen taageerada buuxda ee midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirnimada dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyagoo si buuxda u diiday tallaabo kasta oo hal-dhinac ah oo dhaawici karta madaxbannaanida Soomaaliya ama wiiqi karta saldhigyada xasilloonida dalka.

Sidoo kale, waxay muujiyeen taageero buuxda oo ay u hayaan hay’adaha sharciyeysan ee dowladda Soomaaliya iyagoo diiday isku day kasta oo lagu abuuri karo hay’ado ama maamullo is barbar socda oo ka hor imaanaya midnimada dowladnimada Soomaaliyeed.

Intii lagu jiray wicitaannada, waxaa sidoo kale la adkeeyay in aqoonsiga madaxbannaanida qaybo ka mid ah dhulka dalalka uu yahay tusaale khatar ah oo halis ku ah nabadda iyo amniga caalamiga ah, isla markaana ka hor imanaya mabaadi’da sugan ee sharciga caalamiga ah iyo Axdiga Qaramada Midoobay.

Waxaa la xaqiijiyay in ixtiraamka midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirnimada dhuleed ee dalalku ay tahay tiir aasaasi u ah xasilloonida nidaamka caalamiga ah, isla markaana aan la taaban karin ama laga leexan karin sabab kasta ha noqotee.

Waxaa sidoo kale si cad loo muujiyay diidmada dhammaan isku dayada lagu doonayo in lagu abuuro xaqiiqo cusub ama lagu sameeyo hay’ado isbarbar socda oo ka hor imaanaya sharciyadda caalamiga ah, kuna wiiqi kara fursadaha nabad xasillooni iyo horumar.

Ugu dambayn, waxaa si adag loo diiday qorshe kasta oo lagu barakicinayo ama lagu masaafurinayo shacabka Falastiin ee ka baxsan dhulkooda, arrintaas oo ay si buuxda u diidan yihiin inta badan dalalka dunida, qaab iyo nuxur kasta ha noqotee.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here