jimco 26 Dec , 2025 {HMC} Israa’iil ayaa maanta ku dhawaaqday inay Soomaaliland u aqoonsatay dawlad madax bannaan oo ay la yeelanayaan xiriir toos.
Waxaa go’aankan ku dhawaaqay Netanyahu oo markii uu saxiixay aqoonsiga Israa’iil ee madax bannaanida Somaliland , wuxuu telefoon kula hadlayay madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro.
Netanyahu marka uu ku dhawaaqay go’aankan ay Israa’iil ku aqoonsatay Soomaaliland, wuxuu u mahadceliyay wasiirka arrimaha dibadda Israa’iil, Gideon Sa’ar , Madaxa Hay’adda sirdoonka Israa’iil ee Mossad, David Barnea , waxaana lagu ammaanay kaalintii ay ka qaateen horumarkan maanta la gaaray, tallaabo uu ku muujinayay in waqti laga shaqeyay go’aankan, markaa oo Netanyahu oo u rajeeyey shacabka Somaliland guul, barwaaqo, iyo xorriyad, sida lagu sheegay warsaxaafadeed uu xafiiskiisa sii daayay, wuxuuna inuu Israa’iil yimaado ku casuumay madaxweyne Cirro.
Madaxweynaha Soomaaliland, Cabdiraxmaan Cirro ayaa boggaadiyay go’aanka Netanyahu iyo Israa’iil, isagoo caddeeyay in dhinaciisa uu soo dhaweynayo.
Yaa fududeysay heshiiskan ? Goormuse soo bilowday?
Booqashadii u horreysay ee madaxweynaha Soomaaliland, Cabdiraxmaan Cirro ku tagay Dubai ayaa la xaqiijiyay inay ahayd waqtigii loo soo bandhigay xiriir ay Soomaaliland la yeelato Israa’iil , taa oo dhinaceeda Hargeysa ay ku beddelayso aqoonsi ay ka helayso Telaabiib.
Markaa madaxweyne Cirro ayaa la xaqiijiyay inuu aqbalay qorshahan oo ay xigi doonto inuu saxiixo heshiiska Abraham Accords oo ah barnaamij uu hindisay muddo xileedkiisii hore Trump, waxaa lagu sheegay fikrada barnaamijkan inuu leeyahay wiilka uu Trump soddoga u yahay ee Jared Kushner oo ah Yahuud xiriir wanaagsan la leh Trump, isla marka go’aanka aqoonsiga uu ka soo baxay dhinaca Israa’iil, wuxuu madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro ku dhawaaqay inay Somaliland diyaar u tahay ku biirista barnaamijka Abraham Accords.
Ma cadda qaab dhismeed kii hore ee heshiisyada barnaamijkan ay qeyb ka noqon karto Somaliland , maaddama Mareykanka uu mar kasta yahay dammaanad qada heshiiskan oo dal kasta oo ku biiraya uu saxiixa la yeelayo Mareykanka , sababta ay Israa’iil u dooneyso in Somaliland ay ku biirto Abraham Accords ayaa ah inay aqoonsi ama hab madax bannaan oo ay Soomaaliland kula shaqeyso inay ka hesho Mareykanka.
Illaa hadda si taxaddar leh ayaa loogu soo dhaweyay gudaha Somaliland , in muddo ka badan 30 sanno ay Somaliland helayso dal aqoonsada, kaasoo noqday Israa’iil.
Waxaa kaloo si deg deg leh usoo baxay Turkiga , Masar iyo Jabuuti oo ka soo horjeestay aqoonsiga ay Israa’iil aqoonsatay Somaliland, taa oo ay ku sheegeen talaabo sharci darro ah oo taabanaysa madax bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya , xilli aan laga aragti karin in xiriirka Israa’iil iyo Somaliland ku yeelanayo dalalkan gaar ahaan Turkiga iyo Jabuuti, xataa Masar.
Israa’iil waxay heshiiskan ka leedahay dano culus , mid ka mid ah ujeeddooyinka ay u doonaysay ayaa ah sidii ay joogitaan ugu yeelan lahayd Bab al-Mandab, marin muhiim ah oo xambaarsan ganacsi iyo tamar caalami ah, isla markaana muhiim u ah amniga Badda Cas iyo Kanaalka Suweys.
Tani waxay Israa’ll siinaysaa fursad ay kula socoto dhaq-dhaqaaqyada caalamiga ah ee gobolka.
Joogitaan ay Israa’iil ku yeelato Somaliland , ayaa sidoo kale waxay ka caawinaysaa inay xakameyso xuduudaha koonfureed ee dalalka Carabta, gaar ahaan Masar, Suudaan, iyo Yemen.
Waxa ay sidoo kale siinaysaa qalab cadaadis aan toos ahayn oo ku saabsan maraakiibta, amniga badda, iyo isu-dheellitirka gobolka.
Taageerada Israa’iil ee go’ni goosadka Somaliland waa wax ku jiray siyaasadeeda arrimaha dibadda, oo ka shaqeysa burburinta dalalka nugul iyo taageerida gobollo gooni goosadka ah.
Siyaasadani waxay u ogolaaneysaa Israa’iil inay dib u habeyso khariidadaha saameynta ee Geeska Afrika, iyadoo abuureysa xaalad u oggolaanaysa in xoogagga gobolka ay yeeshaan xulafado cusub.
Israa’iil waxay joogitaankeeda dhulka Somaliland u oggolaanaysa inay hesho daaqad sirdoon iyo milatari oo muhiim ah si ay ula socoto dhaq-dhaqaaqyada dalalka gobolka, oo ay ku jiraan Iran, Turkey, iyo dalalka Carabta ee Bariga Afrika.
Tani waxay xoojinaysaa awooda Israa’iil ee ilaalinta danaha qaran iyo amniga badda.
Aqoonsigu sidoo kale wuxuu gudbinayaa farriin cad, Israa’iil waxay isu muujinaysaa awood go’aamisa sharciyada dalalka, iyadoo ay jirto aamusnaan ka timid dalalka Carabta iyo qaaradda Afrika, taasoo keentay walaac dheeraad ah oo laga muujiyo saabsan ay wax door ah ugu lahayn mustaqbalka gobolka.
Maxaa la gudboon dawladda Federaalka?
Madaxweynaha Soomaaliya , Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la xaqiijiyay in ugu yaraan labo mar lagu wargeliyay qorshaha ay Israa’iil ku doonayso inay ku aqoonsato Somaliland , waxaa sidoo kale la xaqiijiyay qorshaha inay door ku leeyihiin labo dal oo kale , balse sirdoonka iyo diblomaasiyiinta Soomaaliya way ku guul darraysteen inay helaan faahfaahin iyo sida ay wax u socdaan ,saacadihii ka horreeyay ku dhawaqista go’aankan ma jirin wax tallaabooyin ay qaadi kartay Muqdisho.
Si gaar ah waxa sooyaalka galay waa in ugu yaraan saddex mar uu dharbo hoggaamintiisa wax u dhimaysa uu madaxweyne Xasan , kala kulmay Soomaaliland, midda koowaad waa markii isagoo isku diyaarinayo wadahadal uu la galo Somaliland uu madaxweyne hore ee Somaliland , Muuse Biixi heshiis ay badda ku soo galayso la galay Itoobiya , waxaa xigtay iskuday sannadkan dhacay oo isagoo Doho ku sugan lagu qanciyay madaxweynaha Somaliland , Cabdiraxmaan Cirro inuu dib u furo wadahadalladii ay Somaliland kula jirtay dawladda Federaalka , markaa Cirro waa uu aqbalay , sida ilo ku dhow kulankaa ay xaqiijiyay , balse waxaa xigtay waxay noqotay inuu heshiis la galay Israa’iil oo ugu dambeyn si rasmi ah u aqoonsatay.
Dhacdooyinkan waxay ku filanyihiin dayaca iyo tayo xumada ka jirta wasaaradda arrimaha dibadda iyo sirdoonka oo aan lahayn siyaasaddo ay kula jaanqaadaan isbeddelada ka dhacaya caalamka iyo gobolka.
Isla madaxweyne Xasan ma awood siiyo labadan hay’adood , mana jirto xulafo ku habboon marxaladaha dunidda iyo gobolka oo ay Soomaaliya heshiis kula jirto , waxay dawladda madaxweyne Xasan heshiis istaraatiji kula jirta Turkiga , kaa oo aan lahayn awood uu waqtigan ku maareeyo marxaladan oo kale .
Ururrada Midowga Afrika iyo Jaamacadda Carab , waxaa la aaminsanyahay inay si taxaddar leh heshiiska Somaliland iyo Israa’iil oo dalalka ururradan ku jira saameyn ku leh , gaar ahaana joogitaanka marinnada ugu muhiimsan ee badda cas ee Israa’iil iyo suragalinimada aan meesha laga saari karin ee Israa’iil ay usoo qaxiso Falastiiniyiinta dhulka Somaliland.
Golaha wasiirrada Soomaaliya ayaa shir saacad ka badan socda ka leh aqoosnsiga ay Somaliland ka heshay Israa’iil, halkaa oo la filayo mowqifka diidmada ee heshiiskan inuu ka soo baxo.
Maxaa la gudboon madaxweyne Xasan?
Madaxweyne Xasan, wuxuu ku jira daqiiqado muhiim, waxaa horyaal hal go’aan kaasoo ah inuu ku dhawaaqo gogol wadatashi iyo midnimo si loo wajaho marxaladan, waxa ay tahay inuu madaxweynaha ku dhaqaaqo waa in meesha laga saaraa khilaafaadka gudaha oo ay ugu horreyso dooddo ka taagan xilli doorashada dhacayso, taa oo sii jiritaankeeda xataa wax u dhimeysa hoggaaminta madaxweynaha iyo mowqif taageerro oo uu ka heli karo dhinacyada kale ee siyaasadda.
Waqtiga waa inuu oggaaladaa muhiimada ay dalka u leedahay inuu wax walba madaxweynaha dhulka so dhigo, isku dubnimo lagu wajaho xaaladan oo la raadiyo in Soomaaliya ka hesho taageero ururada caalamiga ah sida Midowga Afrika iyo Jaamacadda Carabta , tan u dambeysana madaxweyne Xasan, waa in uu dib u eegis ku samaysaa siyaasaddq arrimaha dibadda, iyadoo la sameynayo iskaashi istaraatiji ah oo ay lala yeelanayo dalalka gobolka iyo caalamka si loo ilaaliyo midnimada dhulka iyo danaha badda.
W/Q Iman Jamac



