Sabt 27 Dec , 2025 {HMC} Xildhibaannada Golaha Shacabka & Senatarrada Aqalka Sare ee kasoo jeeda Gobollada Waqooyi Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa laga sugayaa mowqifkooda la xiriira go’aanka Israa’iil ay ku sheegtay in ay ku aqoonsatay Somaliland.
Kulanka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay in Xildhibaannada la siinayo hadal jeedin la xiriirta arrintaan maadaama Israa’iil ay ku xadgudubtay madaxbannaanida iyo wadajirka Jamhuuriyadda Soomaaliya.
Xubnahaan oo horay qayb uga ahaa soo jeedinta go’aankii Baarlamaanka uu ku meelmariyay qaraarkii ka dhanka ahaa Heshiiskii xadgudubka ku ahaa Dalka ee Somaliland la gashay Itoobiya ayaa markale indhaha ku jeedaan mowqifkooda.
Go’aanka Xildhibaannadaan kasoo jeeda Waqooyiga Soomaaliya waa muhiim marka la eego qaddiyadda ay Baarlamaanka xubnaha uga yihiin ee la xiriirta metalaadda Shacabka Somaliland kuna qaataan xilalka Dowladda Federaalka.






