spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Madaxweynaha DFS oo wada kulamo degdeg uu layeelanaya Madaxda Caalamka

Madaxweynaha DFS oo wada kulamo degdeg uu layeelanaya Madaxda Caalamka

0
14

Sabt 27 Dec , 2025 {HMC}  Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saacadihii la soo dhaafay waday wada-tashiyo diblumaasiyadeed oo degdeg ah, isagoo khadka Taleefanka kula hadlay qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha Bariga iyo Geeska Afrika.

Madaxweynaha ayaa wada-hadallo la yeeshay Madaxweynaha Jabuuti ahna Guddoomiyaha Urur-Goboleedka IGAD Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha Kenya ahna hoggaamiyaha Dalladda Bulshada Bariga Afrika, William Ruto, Madaxweynaha Tanzania, Samia Suluhu Hassan, iyo Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni.

Wada-hadalladan ayaa diiradda lagu saarey tillaabada ka hor imaaneysa madaxbannnida Soomaaliya ee Israa’iil ay ku aqoonsatay Somaliland.

Hoggaamiyeyaasha dalalka uu Madaxweynaha la hadlay ayaa si mideysan u muujiyay garab-istaag u muujiyay Soomaaliya, iyagoo caddeeyay in arrintaas tahay mid baalmarsan Axdiga Qaramada Midoobay iyo mabda’a Midowga Afrika ee dhowrista midnimada dhuleed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyay hoggaamiyeyaasha gobolka mowqifkooda cad iyo taageerada ay u muujiyeen Soomaaliya, isagoo xusay in Dowladda Federaalka ay sii wadi doonto dadaallada diblumaasiyadeed ee ay ku difaaceyso midnimada, madax-bannaanida iyo qarannimada dalka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay inuu wadi doono wada-tashiyo dheeraad ah oo uu la yeelanayo Madaxda Caalamka iyo hay’adaha caalamiga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here