Sabti 27,Dec 2025 {HMC} Jumhuuriyadda Jabuuti waxay si adag oo aan wax shuruud ah lahayn u cambaareyneysaa aqoonsiga ay sameysay maamul xag-jir ah ee Israa’iil ah ee Somaliland. Go’aankan waxa uu si cad u khilaafsan yahay mabda’a aasaasiga ah ee sharciga caalamiga ah, gaar ahaan mabda’a ah ilaalinta xuduudaha iyo ixtiraamka madax-bannaanida dowladaha.
Aqoonsiga maamul goboleed ku yaal dhulka dowlad madax-bannaan waxa uu abuuraa tusaale halis ah oo khatar ku ah xasiloonida gobolka. Jamhuuriyadda Jabuuti waxay mar kale muujineysaa taageerada joogtada ah ee midnimada dhulka iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Sidoo kale, bulshada caalamku waa inaysan sharciyad siin tallaabadan, balse waa in ay u hogaansamaan mabaadi’da sharciga caalamiga ah si loo sugo nabadda iyo amniga gobolka.







