spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Dhaq-dhaqaaqyadii ugu dambeeyay ee la xiriira arimaha ku saabsan aqoonsiga Somaliland ee...

Dhaq-dhaqaaqyadii ugu dambeeyay ee la xiriira arimaha ku saabsan aqoonsiga Somaliland ee Israa’iil

0
13

Sabti 27,Dec 2025 {HMC} Dhaq-dhaqaaqyadii ugu dambeeyay ee la xiriira arimaha ku saabsan aqoonsiga Somaliland ee Israa’iil ayaa abuuray walaac siyaasadeed iyo mid diblomaasiyadeed oo ballaaran.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si degdeg ah oo cad u diidday tallaabo kasta oo noocaas ah iyadoo ku tilmaantay mid sharci-darro ah, kana hor imaneysa sharciga caalamiga ah, Axdiga Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika.

Dowladda waxay mar kale xaqiijisay in Somaliland ay tahay qayb aan ka go’i karin Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Soomaaliya waxay qaaday tallaabooyin diblomaasiyadeed oo ay ku jiraan wargelin iyo la-tashi ay la yeelatay saaxiibada caalamiga ah, ururrada goboleedyada iyo kuwa caalami ah iyadoo caddeysay inay adeegsan doonto dhammaan dariiqyada sharci siyaasadeed iyo diblomaasiyadeed si ay u difaacdo midnimada madax-bannaanida iyo xuduudaheeda caalamku aqoonsan yahay.

Beesha caalamka inteeda badan gaar ahaan dalalka Afrika iyo hay’adaha caalamiga ah, waxay muujiyeen mowqif ku dhisan ixtiraamka midnimada dhuleed ee Soomaaliya, iyagoo carrabka ku adkeeyay in isbeddel kasta oo xuduudeed lagu sameeyo waddan madax-bannaan uu u baahan yahay oggolaansho sharci iyo hannaan caalami ah.

Falcelinta guud ee caalamka waxay muujisay diidmo ku wajahan tallaabo kasta oo hal dhinac ah oo khatar gelin karta xasilloonida Geeska Afrika iyo gobolka guud ahaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here