spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Wasaarada Gaashaandhiga Soomaaliya oo War ka soo saartay Dagaalka Ka dhan ah...

Wasaarada Gaashaandhiga Soomaaliya oo War ka soo saartay Dagaalka Ka dhan ah AS.

0
25

Sabti 27,Dec 2025 {HMC} Maanta oo ay taariikhdu tahay 27-ka Diseembar 2025, Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed ayaa guulo muhiim ah ka gaaray howlgallada lagu ciribtirayo maleeshiyaadka Khawaarijta ee ka socda gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya Ciidanka Nabad-sugidda Qaranka (NISA), ayaa guulo la taaban karo ka soo hooyay howlgalka “Seefta qorsoon”, kaas oo socday muddo toddobaad ah, laga fuliyay deegaannada u dhexeeya Muqdisho iyo Marka.

Intii uu howlgalka socday, waxaa laga xoreeyay maleeshiyaadka cadowga ah deegaanno muhiim ah oo ay ka mid yihiin:

Galsaliimow, Ceel-saliini, Galka-Jimcooy, Diira-fuul, Jabadi-Eeri, Ismagurey, Xalambe, Garas, iyo Gawan.

Sidoo kale, Ciidamada Qaranka ayaa si buuxda u galay magaalada istiraatiijiga ah ee Dhanaane, halka ay marayaan wejigii ugu dambeeyay ee sugidda amniga magaalada Gandarshe, oo ay haatan wax ka yar 500 mitir u jiraan.

Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay bogaadinaysaa Ciidamada Qalabka Sida doorkii mugga lahaa ee ay ka qaateen xaqiijinta amniga doorashadii taariikhiga ahayd ee ka dhacday magaalada Muqdisho 25-kii Diseembar 2025, taas oo si nabad ah ku qabsoontay markii ugu horreysay muddo ku dhow 60 sano.

Guulahan is-daba-joogga ah waxay caddeyn u yihiin adkaysiga, feejignaanta, iyo naf-hurnimada Ciidamada Qaranka, iyo sida ay uga go’an tahay difaaca shacabka iyo dowladnimada Soomaaliyeed.

Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalku waxay mar kale xaqiijinayaan in dagaalka ka dhanka ah maleeshiyaadka argagixisada uusan istaagi doonin illaa laga xaqiijiyo amni buuxa iyo xasillooni waarta guud ahaan dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here