Sabti 27,Dec 2025 {HMC} Hay’adda sirdoonka Israa’iil ee Mossad ayaa fududeysay socdaal qarsoodi ah oo bishii Oktoobar uu madaxweynaha Soomaaliland, Cabdiraxmaan Cirro ku tagay Israa’iil, xilligaa oo la sheegay inuu la kulmay Netanyahu, madaxa Mossad, David Barnea, iyo wasiirka difaaca Israa’iil , Israel Katz, sida ay werisay Channel 12.
Sida warbixintu sheegtay, xiriirka labada dhinac ayaa markii hore ka bilowday doodda ku saabsan suuragalnimada dib-u-dejin Falastiiniyiin laga soo raro marinka Qasa loona raro Somaliland— hase yeeshee, Channel 12 wuxuu tilmaamay in xiriirkaasi uu markii dambe si weyn uga tallaabay arrintaas, una ballaartay iskaashi ay masuuliyiinta Israa’iil u arkaan mid istiraatiiji ah.
Dhinaca Israa’iil, warbixintu waxay xustay in dhiirrigelinta ugu weyn ee lagu sii xoojinayo xiriirka ay tahay meesha juqraafiyeed ee Somaliland kaga dhowdahay Yemen, taas oo ka dhigaysa xiriirka mid si gaar ah muhiim u ah, xilli Israa’iil ay wajahayso walaacyo amni oo sii xoogaysanaya oo ka jira gobolka.






