Axad 28, Dec 2025 {HMC} Ururka Jaamacadda Carabta oo kulan deg deg ah maanta ka yeeshay go’aankii ay Israa’iil ku aqoonsatay Somaliland, ayaa soo saaray war-murtiyeed ay ku sheegeen inay si cad uga soo horjeedaan tallaabada ay qaaday Israa’iil oo ay ku sheegeen mid ay Telaabiib ku doonayso inay saldhigyo ciidan ku hesho.
Warmurtiyeedka ayaa intaa ku daray;
•Goluhu wuxuu mar kale xaqiijinayaa mowqifka Carabta ee joogtada ah, kaas oo caddeynaya in Somaliland ay tahay qayb aan ka go’i karin Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isla markaana , wuxuu si cad u diidan yahay isku day kasta oo lagu aqoonsanayo kala-goynta Soomaaliya .
•Golaha Jaamacadda Carabta wuxuu diiday tallaabo kasta oo ka dhalan karta aqoonsigaas, gaar ahaan kuwa loogu talagalay in lagu fududeeyo qorshayaal lagu doonayo barakicinta qasabka ah ee shacabka Falastiin.







