Axad 28, Dec 2025 {HMC} Kooxda Xuuthiyiinta Dalka Yeman oo ku hanjabay in ay weerarri doonaan xarumaha Israaiil ee Somaliland.
Bayaan ka soo baxay hoggaamiyaha Xuuthiyiinta Cabdulmalik Badrudin Al-xuthi ayuu si buuxda uga horjeestay aqoonsiga ay Yahuuda siisay maamulka Somaliland.
Hoggaamiyaha Xuuthiyiinta wuxuuna si cad u sheegay in xarun kasta oo Israiil ku yeelato Somaliland ama dadka ka jooga halkaasi ay yihiin bartilmaameed ay beegsan doonaan.






