spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Dowlada Turkiga oo ka hor tagaysa dhaqdhaqaaqa Israa’iil ay ka billowday Geeska...

Dowlada Turkiga oo ka hor tagaysa dhaqdhaqaaqa Israa’iil ay ka billowday Geeska Afrika

0
30

Isniin 29, Dec 2025 {HMC} Dowladda Turkiga ayaa xoogga saartay qorshaha ay uga hortagayso in Israa’iil ay saldhigyo ka samaysayo Deegaannada Maamulka Somaliland iyada oo ka faa’iidaysanaysa go’aankii 26ka Bishaan ay ku shaacisay in ay ku aqoonsatay Maamulkaas.

Warbaahinta Turkiga ayaa TRHaber ayaa ku warrantay in Xukuumadda Ankara oo kahortagaysa khatartaan Israa’iil in ay samaysanayso Saldhigyo cusub oo Militari si ay halkaas culus uga dhigaan dhinaca Yuhuudda sida hadalka loo dhigay.

Goobaha Turkiga uu degayo waxaa kamid ah Magaalada Xeebta leh ee Laasqoray ee Gobolka Sanaag, ciidamada Badda Dalkaas ayaa saldhigyo joogto ah ku samaysanaya iyaga oo fasax ka haysta Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Turkiga & Soomaaliya ayaa horay uwada galay heshiis la xiriira ilaalinta Xeebaha Dalka, Ankara ayaa fasax ay siisay Muqdisho waxa ay uga shaqeyneysaa la socodka dhaqdhaqaaqa Biyaha Soomaaliya, Tababarka ciidamo cusub iyo kahortagga khatar weliba oo soo kororta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here