Isniin 29, Dec 2025 {HMC} Ninka dunida ugu taajirsan ee Elon Musk ayaa bartiisa X, ku daabacy qoraal oo kaga falcelinayo Soomaaliya oo lagu wado in ay noqoto hoggaanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey maalmaha soo aaddan.
Elon Musk, ayaa yiri “Soomaaliya waxey noqonaysaa labada bilood ee soo socota madaxweynaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey,”. Wuxuu intaa raaciyay “qadartu waxey soo waddaa fila-waa aad u weyn,”.
Hadalkiisa ayaa imaanaya xilli Soomaaliya ay isku diyaarinayso qabashada hoggaanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey, taasoo la filayo in Soomaaliya ay siiso fursad muhiim ah oo sawir ka bixinaysa heerka Soomaaliya ay taagantahay.






