Isniin 29, Dec 2025 {HMC} Diyaarad riddo dheer oo nooca aan duuliyaha lahayn ayaa ku qaraxday dhismaha gaarka ah ee uu degganyahay madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, sida uu sheegay Aqalka Ruushka ee Kremlin, balse isla markii uu maanta warkan soo baxay waxaa beeniyay madaxweynaha Ukraine , Volodymyr Zelensky oo sheegay sababta warkan loo baahiyay inay tahay qorshe uu Putin ku doonayo inuu ku burburiyo dhismayaasha dawladda Ukraine ee ku yaal Kyiv.
Zelensky ayaa yiri ; “Waxay si fudud u diyaarinayaan jawiga si ay u fuliyaan weerarro, kuwaas oo u badan inay ku wajahnaan doonaan caasimadda, lagana yaabo inay tahay qorshihii lagu burburin lahaa dhismayaasha dawladda.”






