Talaado 30, Dec 2025 {HMC} Hoggaamiyaha mucaaradka Israa’iil, Yair Lapid, ayaa Isniintii si kulul u dhaliilay Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu, kaddib markii Israa’iil ay aqoonsatay Somaliland, iyo sidoo kale wada-hadalladii uu la yeeshay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, iyadoo uusan jirin qorshe cad oo ku saabsan Qasa, sida ay ku warantay wakaaladda wararka Turkiga ee Anadolu.
Netanyahu ayaa Jimcihii ku dhawaaqay in Israa’iil ay u aqoonsatay Somaliland inay tahay dal madax-bannaan, tallaabadaas oo Lapid sheegay in aanay ansixin xukuumadda ama golaha ammaanka Israa’iil.
“Israa’iil waxay ku dhawaaqday inay noqotay dalkii ugu horreeyay dunida ee u aqoonsada Somaliland dal madax-bannaan,” ayuu Lapid ka sheegay kulan ay yeesheen Guddiga Arrimaha Dibadda iyo Difaaca ee Baarlamaanka Israa’iil (sida lagu xusay muuqaal uu baahiyay Kanaalka baaralamaanka Israa’iil.
“Go’aankan ma ahayn mid ay qaadatay xukuumadda ama golaha ammaanka. Wuxuu ahaa go’aan ka yimid xafiiska ra’iisul wasaaraha,” ayuu raaciyay.
Lapid waxa uu sheegay in dalal badan, oo ay ku jiraan kuwo ka tirsan gobolka, ay cambaareeyeen aqoonsigaas, isaga oo intaas ku daray in tallaabada Israa’iil ay muujinayso maqnaanshaha siyaasad dibadeed oo mideysan isla markana cad.



