Talaado 30 Dec 2025 {HMC} Madaxweynaha Suuriya, Axmed Sharac iyo guddoomiyaha bankiga dhexe ee Suuriya, Cabdulkaadir Xusriye ayaa maanta si wadajir ah usoo bandhigay lacagta cusub ee Suuriya , waxaana la beddelay lacagtii pound-kii hore ee Suuriya oo laga reebay labo eber.
Wuxuu sheegay Madaxweynaha Suuriya in halkii sawirrada qoyska reer Asad ee kaligii talisnimada lagu muujinayay hadda lagu beddelay waxyaabaha dabiiciga ah iyo taariikhda dhulka Suuriya , taa oo uu sheegay inay qofka muwaadinka ah siinayso xasillooni.
Hal sanno ayay ku qaadatay Sharac iyo maamulkiisa inay lacag cusub ku sameeyaan , halka Soomaaliya muddo ku dhow 40 sanno ah ay ku guul darraysatay inay wax lacag ah dalku yeesho illaa la soo gaaray gebi ahaanba dalka inuu noqdo mid aan lacag lahayn oo dollar laga adeegsado.
Hay’adaha maaliyadda Soomaaliya oo bankiga dhexe ku jirana waa kuwa keliya ka shaqeeya mashaariic iyo lacagaha deeqda ah , tani waa wax ay la qabaan dhammaan hay’adaha dawladda oo aan bixin wax adeeg muwaadin ah, marka laga soo tago canshuur iyo adeeg ay lacag ku helayaan, taa oo ka dhalanaysa hoggaamiyeyaasha inaysan waligoodba la imaan qorsheyaal qaran oo wax beddelaya ,waxaana la jooga marxalad fadhiid ah oo ay lumayaan hay’adaha dawladda.






