spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS RW Xamse oo ku si feeyay siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee Xiligan kuwa ku...

RW Xamse oo ku si feeyay siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee Xiligan kuwa ku guul-darreystay

0
24

Khamiis 1, Jan 2026 {HMC} Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa ku si feeyay siyaasiyiinta Soomaaliyeed , kuwa ku guul-darreystay inay la yimaadaan aragtiyo iyo barnaamijyo isbeddel leh , kama uusan tagin naftiisa inuu siyaasiiyintaa ku jiro.

Qodobkan waa mid ka mid ah meelaha ay ka dhaqaaqi la’dahay Soomaaliya , wuxuu siyaasi kasta doonayaa inuu jagada u sarreysa ee madaxweynaha illaa midda u hooseysa raadiyo isagoo aan heysan barnaamij ama qorshe , qeexid leh am sharraxaad ma keenaan siyaasiyiintu, waxay carrabka ku dhuftaan inay xil doonayaan iyo dhibaatooyinka jira inay xal u raadinayaan, ma aha inta badan inay dhihi karaan ; waxaan wataa barnaamij siyaasadeed oo dhibaatooyinka jira waddadan ama hab noocan ah ku xallinaya.

Intiina aan gudaha u gelin habka siyaasiyiinta Soomaaliya ay xilka u raadiyaan iyo sida siyaasiga lagu noqdo.

Marka koowaad hadda siyaasadda Soomaaliya waxaa xilalka isku beddelada dad tiro yar oo intooda badan siyaasadda soo galay, markii dawladdii dhexe ay burburtay dhismaha dawladihii dalka hoggaamiyeyna waxay ahaayeen kuwo ku sooo baxay daruufo, sida hoggaamiye kooxeedyo, ururradii Islaamiyiinta ahaa iyo isbahaysiyadii kale ee awoodda lahaa marka wax walba waxay ku soo soo bilowdeen marba qolo in lagu tijaabiyo, cid kasta oo timaadana cidda awoodda ku qabsan karta iyo qabiilada kuwa saameynta ku leh ayuu magacaabay , sidaana siyaasadda ku soo galay , isla waddadaa ayaa ahayd albaabka siyaasadda lagu soo galo Soomaaliya .

Marka hoggaamiye aan lagu dooran qorshe siyaasadeed xil loo dhiibo, wuxuu garanaya jidka uu isaga xilka ku helay isla waddadaa ayuu ku soo xulayaa xubnaha la shaqeynaya, taasi waa waxa keenaya wax kasta gaabis inay u socdaan iyo ma aragtay in qof kasta uu jecel yahay Soomaaliya isla isbeddel magacyada xilalka haya inay dhacaan , oo aan ula jeedo dawlad cusub oo hoggaamiye hore mid aan ahayn in doorashada ku soo baxo! Sababtoo ah waxaa lagu daalay inaysan wax badan horey u dhaqaajin, waxaana 34 sanno lagu jiraa wareeg aan dhammaad lahayn oo aragti xumo iyo qorshe la’aan siyaasadeed ah , taa oo ah waxa ka dambeeya wajiga aan tabarta lahayn ee Soomaaliya , halka ay ka timid!
Dhab ahaantii , haddii aysan bulshadu dooran hoggaamiye leh qorshe siyaasadeed oo xaqiijin kara isbeddel iyo wareegaan aan dhammaad lahayn tilmaam ka bixin kara waddada looga baxo, taasi dadku waxay isku afgarteen inan wax qorshe ah diirrada la saarin, haddii aan wax qorshe ah la dhaqangelina, waxaa la qorsheeyay fashil oo ah waxa maanta dhexda looga jiro.

Habaarka ugu weyn ee Bulsho dhexda u gasho , waa inaysan khaladkeeda wax ka baran oo ay ku celceliyo .

Xaqiiqdii waxay Soomaaliya u baahantahay kacaan xaaqaya siyaasiyiinta iyo hal-doorka maanta ee Soomaaliya oo ah kuwa fashilmay oo aan xishoon , ixtiraamna u heyn dadkooda! Eeg bilooyin ka hor nin dhallinyaro Mamdani ayaa ku guuleystay doorashadii duqa New York , isagoo waliba noqday duqii u horreyay ee Aqalka Cad si toos ah uga soo horjeesto oo lala dagaallamay dhinac kasta oo awoodda Mareykanka wax ka jaan geynaya ay usoo baxeen si uusan xilkaa u qaban, laakin intaa oo dhan way celin waayeen, taasi ma garan waxa ay ku suragashay? Waa in Mamdani uu bulshada ku qanciyay qorshe cad oo qof kasta uu fahmi karo sida loo fulinayo , kuwaasoo xal u ah dhibaatooyinka bulsho ee dadka New York — isla sidaa oo kale bulshada Soomaaliyeed , way aragtaa waxa lagu gaaro marka cadiifad qabyaaladeed, dano shaqsi iyo indho la’aan masiirka hoggaamineed lagu bixiyo waxa xiga.

Runtii wacyiga dadka Soomaaliyeed , waa mid dhintay, ma helayaan dadkaa hoggaamiye diiradda saara inuu raad taariikheed ka tago oo wax ka beddela xaaladan ?

Waa marka siyaasiyiintu ay noqdaan kuwa xishooda oo danaha guud si qorshe leh uga horumariyaan, danaha gaarka ah oo ah waxa hadda siyaasadda Soomaaliya ku dhisantahay!

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here