spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Iran oo Hubkeeda Casiga ah ku iibineyso Lacagta cryptocurrency.

Iran oo Hubkeeda Casiga ah ku iibineyso Lacagta cryptocurrency.

0
27

Khamiis 1, Jan 2026 {HMC} Dowladda Iiran ayaa shaaca ka qaaday inay diyaar u tahay iibinta hubkeeda casriga ah oo ay ku jiraan gantaallo, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo doomaha qaraxyada ka fuliya gudaha badda,

iyadoo la adeegsanayo lacagta dijitaalka ah ee cryptocurrency, si ay uga gudubto saameynta ka dhaqaale ee ka dhalanaysa cunaqabateynta reer galbeedka, sida uu sheegay wargeyska Financial Times oo xiganaya go’aan ay ku dhawaaqday wasaaradda difaaca Iiraan.

Tallaabadan ayaa dalalka iyo ururrada ay xiriirka la leedahay Iiraan u suragelinaya inay helaan hub casri ah, wallow go’aankan uu dhinaca kale khatar dhalin karo haddii aysan Iiraan si taxaddar leh u fulin iibkeeda hubka oo gacmo mas’uuliyad ah ku koobin ciddda ay ka iibinayso,

Iran ayaa noqonaysa dalkii u horreeyay ee hub ku iibinaya lacagta aan tixraaca lahayn ee cryptocurrency. Wax u dhigma haddii aad Bitcoin heysato, waad iibsan kartaa gantaallada Iiraan!

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here