Sabdi 3, Jan 2026 {HMC} Trump ayaa hadda bartiisa Truth Social ku baahiyay sawir cusub oo uu sheegay inuu muujinayo “Nicolas Maduro oo saaran markabka USS Iwo Jima” — kani waa markabkii uu horay ugu sheegay Fox News inuu hoggaamiyaha Venezuela u soo qaadayo dhanka dalka Mareykanka.
Sawirka ayaa muujinaya qof u eg Maduro, oo indhaha ka xidhan (eye mask), dhegaha ay ugu jiraan sameecadaha dhegaha, isagoo ku labisan dhar nooca fudud ah oo midabkiisu yahay cawl.




