Sabti 3, Jan 2026 {HMC} Teshome Gemechu, oo ah Agaasimaha Guud ee Xiriirka Dibadda iyo Iskaashiga Milatari ee Wasaaradda Difaaca Itoobiya, ayaa sheegay in helitaanka marin-badeed uu maanta yahay mid ka mid ah ajandeyaasha qaran ee Itoobiya. .
Janaraalku waxa uu sheegay in marin-badeedka Itoobiya looga qaaday khiyaano ay maleegeen cadow taariikhi ah, taas oo si weyn u dhaawacday dhaqaalaha dalka isla markaana kordhisay halista dhinaca amniga muddo 30 sano ah.
Wuxuu carrabka ku adkeeyay in marin-badeedku maanta yahay ajande qaran oo quseeya dhammaan bulshada, isagoo baaq u diray jiilka maanta in ay si buuxda isu diyaariyaan sidii dib loogu heli lahaa marin-badeedkaas.



