Ciidamo isugu jira laamaha ammaanka Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle iyo Kuwa Midowga Afrika ee AUSSOM ayaa howlgal wadajir ah oo miina baaris ah ka billaabay waddada u dhaxeysa Garoonka Diyaaradaha Jowhar iyo Magaaladaas.
Ciidanka ayaa si gaar ah u baaraya meelaha ay ku tuhmayaan in lagu aaso miinooyinka oo tii ugu danbaysay Jimcihii lagu beegsaday Kolonyo la socotay Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo khasaara kooban ka dhashay.
Wararka Mustaqbal ay ka heleyso Jowhar oo ah xarunta Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa sheegaya in Madaxweyne Cali Guudlaawe uu saraakiisha ammaanka kala hadlay sidii xal loogu heli lahaa Miinooyinka lagu aaso dhabbaha muhiimka u ah Magaaladaas iyo Garoonka Diyaaradaha.



