Soomaaliya oo Maanta Shir Gudoomisay Kulankii Deg dega ahaa ee Looga Hadlaayay Xaalada Venezuela.

0
28

Isniin 06 Jan 2026 {HMC}  Soomaaliya, oo si rasmi ah toddobaadkan ula wareegtay shir-guddoominta Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay, ayaa maanta guddoomisay kulankeedii ugu horreeyay, kaasoo ahaa kulan deg-deg ah oo looga hadlay halista ku wajahan nabadda iyo amniga caalamiga ah, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray xaaladda ka taagan Venezuela.

Guddoominta kulankan ayaa muujinaysa kororka miisaanka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya ee masraxa caalamiga ah, iyo sida dalku si isa soo taraysa u qaadanayo mas’uuliyad hoggaamineed marka la joogo maaraynta arrimaha khatarta ku ah nabadda iyo amniga dunidda.

Tallaabadan waxay sidoo kale ka tarjumaysaa kalsoonida ay beesha caalamku ku qabto doorka Soomaaliya ee hagidda doodaha xasaasiga ah iyo ilaalinta nidaamka ku dhisan sharciga caalamiga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here