Talaado 06 Jan 2026 {HMC} Maamulka gobolka Shabeellaha Hoose ayaa ugu baaqay shacabka ka barakacay deegaanka Jilib Marka inay dib ugu laabtaan guryahooda, kaddib hawlgallo amni oo ay ciidammada dowladda dib ugula wareegeen gacan-ku-heynta deegaankaas istiraatiijiga ah.
Ciidammada Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), ayaa dhowaan dib ula wareegay Jilib Marka, oo ah marin muhiim ah oo isku xira gobollada Banaadir iyo Shabeellaha Hoose, gaar ahaan waddada xeebta.
Kaddib la wareegidda deegaanka, ciidammada amniga ayaa bilaabay hawlgallo daba-gal ah oo ka socda tuulooyinka ku xeeran Jilib Marka, si looga hortago in AS ay dib isu abaabulaan.
Saraakiil ciidan ayaa sheegay in ciidamadu ay wadaan baaritaanno iyo roondooyin joogto ah, si loo adkeeyo guulaha la gaaray loona xaqiijiyo xasillooni waarta.
Mas’uuliyiinta maamulka Koonfur Galbeed ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa xaqiijiyay in “deegaanka uu hadda ku jiro gacanta iyo ilaalinta ciidammo wadajir ah,” iyagoo ugu baaqay shacabka ku barakacay dagaalladii hore inay si nabad ah ugu soo laabtaan deegaannadooda.
Waxay sidoo kale carrabka ku adkeeyeen in dib u soo celinta nolosha caadiga ah iyo furista waddooyinka isku socodka ay yihiin mudnaanta koowaad ee maamulka.
Wasiirka Amniga ee Koonfur Galbeed, Xasan Cabdulqaadir, ayaa sheegay in maamulkiisu, isaga oo la shaqeynaya Dowladda Federaalka, uu xoojiyay olole amni oo uu ku tilmaamay “mid aamusnaan leh balse joogto ah,” kaas oo maalmahan ka socday qeybo kala duwan oo ka mid ah Shabeellaha Hoose.
Wuxuu intaa ku daray in deegaano badan laga sifeeyay AS , taas oo sare u qaadday amniga guud iyo isku xirnaanta gobollada.
Wasiirka ayaa ammaanay dadaalka ciidammada wadajirka ah, isagoo mar kale xaqiijiyay ballanqaadka dowladda ee ah sugidda amniga deegaannada la xoreeyay, fududeynta soo laabashada dadka barakacay, iyo ka hortagga in kooxaha argagixisada ay mar kale ku soo laabtaan goobaha laga saaray.



