spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Midowga Afrika oo si adag u cambaareeyay aqoonsiga Israaiil ee Somaliland.

Midowga Afrika oo si adag u cambaareeyay aqoonsiga Israaiil ee Somaliland.

0
15

Talaado 06 Jan 2026 {HMC} Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika ayaa si adag u cambaareeyay aqoonsiga dhinac ee Israaiil ay siisay Somaliland, intii lagu guda jiray kulankii Wasiirrada ee 1324-aad ee Golaha, isagoo ugu baaqay in si degdeg ah looga laabto tallaabadaas.

Golaha ayaa adkeeyay in cid ama hay’ad toona aysan haysan awood ama sharci ay ku beddesho qaab-dhismeedka dhuleed ee dal xubin ka ah Midowga Afrika, isla markaana bayaannada noocaas ah ay yihiin kuwo waxba kama jiraan ah marka loo eego sharciga caalamiga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here