spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Cabdullaahi Gaboobe Ashkir oo caan ka ahaa Baraha Bulshada oo lagu dilaya...

Cabdullaahi Gaboobe Ashkir oo caan ka ahaa Baraha Bulshada oo lagu dilaya Baledweyne.

0
41

Talaado 06 Jan 2026 {HMC} Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helaya dil duhurnimadii maanta loogu geystay magaalada Baledweyne oo wiil dhalinyaro ah oo caan ka ahaa baraha bulshada.

Wiilka dhalinyarada ah ee la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Gaboobe Ashkir, waxaana dilkiisa geystay askari ka tirsan ciidanka dowladda, gaar kuwa lagu magacaabo Ilaalo Qaran.

Ciidamada amaanka Magaalada Baledweyne ayaa ku guuleystay iney gacanta kusoo dhigaan askariga ka tirsana Ilaalo Qaran ee fuliyay dilka wiilkan dhalinyarada ah ee ka mid ahaa TikTokarada ugu caansan Baledweyne.

Allah u naxariiste marxuumka la dilay ayaa ahaa wiil dhalinyaro oo aad u da’yar, islamarkaana caan ku ahaa soo gudbinta muuqaalada magaalada Baledweyne iyo kuwa madadaalo ah.

Dilkan loo geystay wiilkan dhalinyarada ahaa ayaa waxaa aad uga xumaaday Dadka ku nool magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxana ay ku tilmaameen mid quus gilinaayo rajada shacabka.

lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dilka wiilkan dhalinyarada ah

Dilka marxuum Cabdullaahi Gaboobe ayaa kusoo aadaya, iyadoo magaalada Baledweyne mudooyinkii dambe ay wajaheysay xaalado amni daro oo si weyn u saameyay dadka ku nool xafaadaha kala duwan ee magaalada Baledweyne.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here